Sign in to follow this  
Deeq A.

Taalibaan oo ku dhawaaqday in uu si rasmiya u dhamaaday dagaalkii Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Taalibaan oo shalay qabsaday  xarunta madaxtooyada Kabul, ayaa ku dhawaaqday in uu si rasmiya u dhammaaday dagaalkii in ka badan 20 sano ka socday waddanka Afghanistan.

Af-hayeenka xafiiska siyaasadda ururka Taalibaan, Maxamed Naciim ayaa sheegay in dagaalkii Afghanistan uu ku dhammaaday guul ka dhalatay miraha halgankii shacabka dalkaas.

Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsadaan dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno” ayuu yiri Af-hayeenka.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalka isaga baxay Axaddii Shalay, kadib markii Taaliban ay soo galeen caasimadda Kabul, isagoo sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado ‘dhiig daata’.

Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaanba qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

PUNTLAND POST

The post Taalibaan oo ku dhawaaqday in uu si rasmiya u dhamaaday dagaalkii Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this