Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaannada waaweyn ee Somaliland Qaarkood oo ka hadlay weeraro ay sheegeen in lagu soo qaaday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Abwaannada waaweyn ee Somaliland Qaarkood oo ka hadlay weeraro ay sheegeen in lagu soo qaaday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa
Guddiga sare ee Abwaannada Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay Warar ay ku tilmaameen inay been-abuur yihiin oo maalmihii u dambeeyay laga faafinayey faafinayeen Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
Abwaannada kala ah Cabdi-qays, Muuse Cali-faruur, Dacar iyo Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo dhamaantood ka tirsan Mus-dambeedka Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xarunta Dhaqanka, waxay ku deedafeeyeen Warar ku saabsan ‘in Xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu faafiyo dhaqamo lid ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suubaan ee Dadka reer Somaliland’, kuwaasi oo ay warbaahinta Bulshada ku faafiyaan Xubno uu ka mid yahay Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.
Ugu horayn, Abwaan Cabdi-qays oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Daaha dabadiisa dad ku jiraa warar aan sax ahayn ka faafiyaan Xarunta dhaqanka, sidaasi darteed Dadka wada dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah xaruntaasi u tagaan Abwaannada oo habeen iyo Maalinba halkaa ku sugan.
“Ninkii meeshan (Xarunta dhaqanka Hargeysa), wax ka sheegayaa Annaga ha noo yimaaddo, annagaa joogna ee ha inoo yimaaddo oo wuxuu ka sheegayo hana waydiiyo, Abwaannadii baanu nahay, Annagaa ku dhex jirna oo halkan ka shaqaynee ha noo yimaaddo..”ayuu yidhi, Abwaan Cabdi-qays.
Abwaan Muuse Cali Cige (Muuse Cali Faruur) oo ah Abwaanka keliya ee haysta Shahaadada dhaqanka, ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo Xarunta dhaqanku yahay mid ku socda dalka, ee aan ahayn mid loola jeedo Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
“Waxaan ahay Abwaanka keliya ee haysta Shahaadada dhaqanka ee Somaliland ama Soomaali, waxa Ayaan-darro ah in meeshaan habeen iyo dharaar joogo Dadka doonaya inay sawir kale ka bixiyaan ama Dadka ay si kale wax ugu sharraxaan. Adeer ninkii arkay waxaan Anigu arki waayay ha noo yimaaddo oo hana tuso, hadduu wax khalad ah naga tuso Annagaa (Isaga) raaciye, dalka Somaliland Maanta halka uu marayo waxaad mooddaa in marmarsiiyo loo sameeyo si lugaha loo qabto ama iyaga gudahooda la iskugu geeyo, taana lana marsiin maayo, Waayo? annagaa Abwaannadii dhaqanka ah,” sidaas ayuu yidhi Muuse Cali-Faruur.
Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo isaguna hadal ka jeediyey kulanka, ayaa yidhi, “Bahda dhaqanka Xagga da’da Ragga ugu weyn baan ahay, waxa malaha igu dhow ama aanu isku wakhti ahayn oo aan garanayaa Jaamac Saleebaan markaad Somaliland oo dhan isku keento, markaa ninkuna mar hadduu da’daa joogo ‘Cimri tagay, Ceeb laguma Sagootiyo’ 65 sanadood ayaanu waxaa ku jirnay, Ummaddayadana Ceeb la’aan ayaanu kula nool nahay, wax Magacayaga iyo meel aanu joogno ceeb na marmariya oo sita Burush ceeb ahna ka yeeli mayno,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Aadan Dacar.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dalkayaga in meel kale la naga soo galo oo dhaqankayaga lagu soo dhuunto ka yeeli mayno, kana aqbali mayno, hadduu sii wadana intaa in ka badan baanu sheegi oo aanu taaban. Dalkaa loo socdaa, maaha waxa loo socdaa dhaqanka, Diin baa lagu soo dhuumanayaa, Diinta Raggii Adduunka ugu sarreeyay baa halkan jooga, iyagaana jooga oo noo sheegaya wixii khaldan oo aanu ka qaadanaynaa.”
Ugu dambayn, waxa halkaa ka mid ah Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ka mid ah Maamulka Xaruntaasi. “Haddaan ka hadlo Xarunta dhaqanka Hargeysa, llaa 2012-kii ayaan ka mid ahaa Dadka sida joogtada ah uga shaqeeya, kana shaqeeya, runtiina Maamulkeeda waan ku jiraa, Nin walbana halkii kaga soo beegan dhaqanka, wixii wanaag ah iyo danta Ummadda iyo Islaamnimadu ay yihiin ayuun baa lagu dedaalayaa, waxaanan is leeyahay intii karaankaaga, aqoontaada iyo Waayo-aragnimadaadu ahayd dedaal kuguma yarayn. Intii aan ka shaqaynayey xaruntan waxa la igu bartay, la iguna yaqaanaa, waxa iga soo foofaana uu yahay wax ku lug leh Taariikh ha noqoto, dhaqan ha noqoto, Murti ha noqoto ama Hawaale-waran kale ha noqotee salka ku haya Diinta Islaamka. Marka la isugu yimaaddo Bandhigga Buugaagta Hargeysa (Waxaan soo jeedinayaa barnaamijyo Diini ah), tii ugu dambaysay waxay ahayd ‘Barnaamij ku saabsan Diinta Islaamka iyo Geeska, gaar ahaan Dhulka Soomaalidu Taariikh ahaan sida uu yahay ama sida uu ahaan karo iyo wixii ku lug leh (ayaan soo jeediyey).”ayuu yidhi.
Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu faahfaahiyey sida dhallinyaradu uga faa’idaysato Xarunta dhaqanka Hargeysa. “Waxaan Caddaynayaa intii aanu joognay Xaruntan, waxa ii muuqata sida dhallinyaradu uga faa’idaysanayso, Maktabadda Buugaagta ha ahaato, iyaga dhexdooda waxay kala faa’idaysanayaan ha ahaato, halkii ay leexan lahaayeen ama Qayili lahaayeen ama siyaabo kale Waddo u mari lahaayeen meel ay kaga soo hirtaan weeyaan xarunta dhaqanka Hargeysa,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Dalmar.
239079958_262807945671425_78425534952141
236983071_262807992338087_61175635077499
236493696_262808052338081_10972037394107

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this