Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay shir-weynaha

Recommended Posts

Deeq A.   
7-1024x509.jpg

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay shir-weynaha 6aad ee Dallada Uururada aan dawliga ahayn ee (SONSAF).

“Waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah”

15/08/2021-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta ka qayb galay shir-weynaha 6aad ee Dallada ay ku midoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee (SONSAF).

Ugu horayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali waxa uu hambalyeeyay hoggaankii hore ee dallada, waxaanu ku bogaadiyay waxqabadkii baaxada lahaa ee ay la yimaadeen muddadii ay xilka hayeen iyo kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen hawlaha u baahan in laga wada shaqeeyo, isagoo guul ku tilmaamay in dallada SONSAF la soo dhex mariyo qayb ka mid ah dhaqaalihii guddida doorashada ay ugu tal-galeen qaadhaan-bixiyayaashu.

Guddoomiye Aadam ayaa sheegay in baahi waddanku u qabo ururro badan oo wadanka ka hana-qaada. Hase yeeshee waxa uu xusay in sababta u weyn ee ururrada curyaamisay tahay dhaqaale yaraan, loona baahan yahay in daraasad lagu sameeyo meelaha laga keeni karo dhaqaale lagu hago. Guddoomiye Aadam ayaa u hogo-tusaaleeyay dallada SONSAF iyo ururrada kale in ay ka hawl-galaan sidii ganacsatada dhaqaalaha ay ugu talo-galeen bulshada, qayb ka mid ah loogu bad-baadiyo ururrada faa’iidada bulshada u leh ee u baahan dhaqaale ay ku sii shaqeeyaan, maadaama ay ganacsatadu qayb ka yihiin dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa sheegay in aynu ka mid nahay waddamada ugu qanisan xaga ururrada bulshada rayidka ah, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah” Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay daraasado ay waddanka ka sameeyeen khuburo ka socday, xarun ku taala Koonfur Afrika oo ka shaqeeysa arrimaha xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda Afrika, taasi oo Somaliland, Sera Leone iyo Rwanda daraasado ku samaysay, guddoomiyaha ayaa sheegay in daraasadda lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Dawladda, Ururrada bulshada, Ganacsatada, Hay’addaha gaarka ah, Culimada, Cuqaasha iyo Salaadiinta taasi oo ay natiijadeedii noqotay in Somaliland ay tahay marka loo eego Afrika, Eeshiya iyo Laatin Ameerika wadamada ugu horumarsan xagga ururrada bulshada. Waxyaabaha ay ugu sababeeyeen ayuu guddoomiyuhu ku sheegay baaxada dalladaha, kuwaasi oo ay hoos yimaadaan 60 meeyo urur ama in ka badan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay baahida waddanku u qabo in la abaabulo cududda shaqaalaha waddankeena iyo qorshaynta ay u baahan yihiin, si loo cidhib-tiro shaqo la’aanta, loona badalo hab-fikirka bulshada looguna tayeeyo xirfadaha ay u baahan yihiin si looga hortago in muwaadiniintii waddanku bilaa shaqo noqoto shisheeyihiina kala wareego saaxada shaqada.

Allaa mahad leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this