Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo gaadiid dagaal la wareegtay

Recommended Posts

Deeq A.   
2fb48ea3-9c01-4e57-bab7-1f9524a54b17-696


Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo lagu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka kumaandooska Gorgor.

Gaadiidka dagaalka ayaa isku jira gawaarida gaashaaman ee aan baxadu karin, kuwa xamuulka loo isticmaalo iyo booyado.

Munaasabad lagu qabtay gudaha dekedda Muqdisho ayaa wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kula wareegeen gaadiidka.

Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay weheliyaan saraakiil Turki ah ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gaadiidka dagaal.

Turkiga ayaa dhanka milatariga ka taageera Soomaaliya, wuxuuna tababar iyo qalabayn siiyaa ciidamada Gorgor iyo Haramacad.

e3168372-e618-4d12-9aee-cc30f2257a83-696 FB_IMG_16290406806542815.jpg?resize=720% fb110d12-af53-4b5c-9f86-2669ff3a0aa5-696 fe5e9cd3-4c86-4be6-a8a0-b5659f20d5a8-696

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo gaadiid dagaal la wareegtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this