Sign in to follow this  
Deeq A.

Taalibaan oo gashay caasimadda Afghanistan ee Kabul

Recommended Posts

Deeq A.   

Maleeshiyada Taalibaan ayaa galay caasimadda Afghanistan ee Kabul maanta oo ah Axad ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xilli Maraykanku uu shaqaalaha safaaraddiisa diyaarado ku daadgureynayo.

Sarkaalkan Sare ayaa u sheegay walaaladda wararka ee Reuters in Taalibaan ay ka imaanayso “afarta jiho” laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Afghanistan ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay meelo badan oo ka agdhow Kabul, balse ciidamada ammaanka oo kaashanaya kuwa shisheeyee ay gacanta weli ku hayaan magaalada.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diblomaasiyiinta safaaradda laga dhoofinayo gegida diyaaraha ee degmada Wazir Akbar Khan, isla markaana la xoojiyay ammaanka garoonka, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo soo diray Kabul, si ay gacan uga geystaan daadgureynta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa sirdoonka Mareykan waxay sheegeen in qiyaasti saddex bilood ay Kabul ku sii jiri karto gacanta dowladda Afghanistan.

Maadaama horraantii saaka ay Taalibaan qabsatay magaalada Jalalaba iska caabbin la’aan, taass oo u fudeysay inay gacanta ku dhigan mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Afghanistan oo aan laheyn ayaa garoonka Kabul wuxuu maanta noqday jidka kaliya ee looga bixi karo Afghanistan.

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST

The post Taalibaan oo gashay caasimadda Afghanistan ee Kabul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this