Sign in to follow this  
Deeq A.

“Sannadka 2022-ka Waxaa Dhacaya Liisankii Xisbiyadda Qaranka, Markaa Doorasho Madaxtooyo Lama Geli Karo Iyada Oo Uu Liisankii Xisbiyadu Dhacay….’’ Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Af-hayeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu ku dooday uu dhacayo ruqsadooda Xisbinimo.

 Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dallada SONSOF, ayaa yidhi ‘’Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni.

Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtida, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-ka, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov. 2022-ka.

Haddii la hir geliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada, ayaa dhigaya in lix biloor ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada. Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this