Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga musharraxiinta oo kulan ku leh hotel Jazeera

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sida aan wanaagsaneyn ee ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha uu soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ee xaaladd dalka, siiba arrimaha doorashooyinka 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa dhowaan wada-hadallo la yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib markii ay soo shaac-baxday xiisad ka qaraxday Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeysay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa golaha midowga musharraxiinta inay kulankooda ku soo hadal-qaadaan caqabadaha gaarka ah ee ay xilligan wajaheyso HirShabelle oo aan weli gudaha-gelin doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba golaha musharraxiinta ayaan muddooyinkii u dambeeyey yeelan kulamo siyaasadeed oo ballaaran, marka laga reebo wada-hadallo gaar gaar ah oo ka soo saareen baaqyo ku aadan doorashooyinka 2021-ka iyo xaaladda guud ee uu haatan dalka marayo.

The post Midowga musharraxiinta oo kulan ku leh hotel Jazeera appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this