Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Taliban Oo Qabsaday Caasimada 2aad Ee Dalka Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Kooxda Talibanka Afghanistan ayaa shalay Jimcihii shaaciyey inay la wareegeen guud ahaan magaalada Kandahar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Afghanistan

Xoogaga Talibanka ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay afarta jiho weerar kaga waday magaalada Kandahar oo ku taal koonfurta dalkaasi ahna halkii lagu aasaasay kooxda Talibanka, magaaladaasi oo ahmiyad gaar ah u lahayd kooxdan oo maalmihii lasoo dhaafay dowlada ka qabsaday magaalooyin badan.

Talibanka ayaa khamiistii qabsaday magaalada 3aad ee ugu weyn dalkaasi ee Herat iyo magaalada Ghanzi oo ah caasimad-gobaleed u jirta 130km caasimada wadankaasi ee Kabul.

Waxaana hada la saadaalinayaa in Talibanka ay duulaankooda ugu danbeeya la beegsan doonaan magaalo madaxda Kabul.

Maraykanka iyo UK ayaa ciidamo ka badan 3 kun oo askari shalay geeyey magaalada Kabul si ay halkaasi uga daadgureeyaan shaqaalahooda safaaradaha ay halkaasi ku leeyihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this