Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirka ay Iiraan ka cadhootay oo ay soo bandhigeen UK & Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sawirka ay Iiraan ka cadhootay oo ay soo bandhigeen UK & Ruushka

Russian and British ambassadors pose in chairs
Labada safiir ayaa ku fadhiya kursi bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran

Safiirrada Britain iyo Ruushka u fadhiya Iiraan ayaa ka careysiiyay dalkaasi, kaddib markii ay jileen sawir ay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay galeen Winston Churchill iyo Joseph Stalin, markaas oo Iiraan la heystay.

Safaaradda Ruushka ayaa soo wadaagtay sawirka labada diblomaasi oo dib u milicsanaya sawirkii caanka noqday ee hoggaamiyeyaashii dagaalka sanadkii 1943.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sawirka ku qeexay “mid aan habbooneyn”.

Ruushka ayaa sheegay inaan wax ujeeddo ah laga lahayn sawirka, isla markaana ay keliya doonayeen inay xusuustaan dagaalkii xilligaasi ka dhanka ahaa Naasiyiintii Jarmalka.

Labada safiir, Simon Shercliff iyo Levan Dzhagaryan, ayaa sawir laga qaaday iyaga oo kursi ku fadhiya bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran.

Sawirkaasi waxaa laga matalay hoggaamiyeyaasha Stalin, Churchill iyo Madaxweynihii Mareykanka Franklin D Roosevelt markii ugu horreysay ee ay ku kulmeen shirkii Tehran sanadkii 1943. Xilligaas, Iiraan waxaa heystay xoogagga Ruushka iyo Britain.

Shirka waxaa lagu xusuustaa in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ay isku raaceen iska caabbinta Naasiyiintii Jarmalka.

Stalin, Roosevelt and Stalin 1943
Stalin, Roosevelt iyo Stalin posed in the same chairs at the 1943 Tehran conference

Sawirka ayaa u muuqda mid dib loogu milicsanayo xilli farxadeed oo ay xiriir lahaayeen London iyo Moscow – balse sidaasi maaha sida ay dad badan oo Tehran ku sugan ay u arkeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa hor kacayay cambaareynta sawirkaasi loo jeediyay, isgaoo ku sheegay inuu yahay “mid aan habbooneyn”.

“Wxaaan dadka xusuusinayaa in August 2021 aysan ahayn August 1941 aysanna ahayn December 1943,” ayuu ku soo qoray bartiisaTwitter-ka.

“Dadka Iiraan waxay muujiyeen – xitaa inta lagu guda jira wadahadalladii nukliyeerka ee JCPOA in qadiyaddoda aysan marnaba noqon karin wax go’aan looga gaaro safaaradaha ajaanibta amaba ay go’aan ka gaaraan quwadaha shisheeye.”

Qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay safaaradda Ruushka ee soo wadaagtay sawirka ayaa waxaa u jawaabay kumannaan qof oo careysa.

“Safiirradu waxay ceynayaan dhammaa dadka reer Iiraan,” ayuu yiri Seyed Marandi oo ah bare luqadda Ingiriiska dhiga oo Tehran ku sugan.

“Shirka Tehran wuxuu meel ka dhac ku yahay geyiga Iiraan wuxuuna astaan u yahaydembiyada taariikhiga ah ee ay geysteen Mareykanka, Ruushka iyo UK ee ka dhanka ah Iiraaniyiinta.”

Safaaradda Ruushka oo arrintaasi ka jawaabeysa ayaa sheegtay in sawirku “uusan xambaarsaneyn ujeeddo ka dhan ah Iiraan”.

“Micnaha keliya ee sawirkan uu wato waa in dib loogu milicsanayo dadaalladii wada jirka ahaa ee dalalkii isbahaysiga ee ka dhanka ahaa Naasiyiinta intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayay ku soo qortay Twitter-ka.

“Meel ugama dhacayno dareenka dadka Iiraan.”

Shercliff isaga qudhiisa ma uusan soo wdaaagin sawirka, balse wuxuu soo wadaagay falcelintii safaaradda Ruushka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisad kulul ay u dhaxayso UK iyo Iiraan.

Horraantii bishan, UK ayaa Iiraan ku eedeysay “weerarka sharci darrada ah” ee ay ku qaadday markab shidaalka qaada oo ku sugnaa Cummaan, kaa soo ay ku dhinteen labo qof oo Britain iyo Romania u kala dhashay. Iiraan oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku tilmaantay war been abuur ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this