Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Gobolka Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararku waxay sheegayaan in laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani qaraxa lala beegsaday, iyadoo mid kamid ah Gaadiidka uu qaraxa qabsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo an wax khasaaro ah geysan, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Magalada Kismaayo iyo degaanka Beerxaani.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this