Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Jabhada Oromada Oo Xaqiijiyey Inay Isbaheysi La Sameysteen Ciidamada Tigreyga Ee La Dagaalamaya Abiy Ahmed.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Hoggaamiyaha Jabhada Oromada ee OLA, Kumsa Diriba ayaa xaqiijiyey inay isbaheysi la sameysteen ciidamada Tigreyga ee la dagaalamaya dowladda Federaalka ee Abiy Ahmed.

Kumsa Diriba oo Arbacadii shalay wareysi siiyey wakaalada AP ayaa sheegay in heshiiska isbaheysiga lagu sameeyey uu dhacay toddobaad kahor isla markaana uu ahaa codsi uga yimid dhinaca Tigreyga.

Waxaa ku heshiinay inaan xukunka ka tuurno xukuumada Abiy Ahmed, oo awood ciidan u adeegsano waana luuqada kaliya oo uu fahmi karo Taliska Abiy… ayuu yidhi hogaamiyaha Oromo Liberation Army.

Kooxda OLA ayaa bilihii lasoo dhaafay la wareegtay dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo Galbeedka dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada, waana Jabhad ka go’aday OLF.

Hogaamiyaha kooxda OLA ayaa sheegay in xogta millatari isdhaafsadaan Tigreyga isla markaana wada sameytaan qorshe duulaan oo ay ku mideysan yihiin, walow uu sheegay in labada ciidan ayna isdhexgelin oo qoloba dhankeeda ka dagaalanto.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hada socdo wadahadalo kale oo la doonayo inay isbaheysiga kusoo biiraan kooxo kale oo hubeysan ee ka jira gudaha dalkaasi Itoobiya.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo culeys weyn xiligan kala kulmaya xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda ayaa todobaadkan ugu baaqay shacabka dagaalami kara inay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda Gobalka Tigrey, xilli uu waajahayo kacdoonka kale ee ka jira gudaha qawmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this