Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Geelle iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay doorashooyinka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210812_173538807.jpg?resi

Qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa dhaliilay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.

Daahir Geelle oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ku tilmaamay mid dhibaato u keeni karta nidaamka is doorashada iyo kalsoonida bulshada ee dimuqraaddiyadda.

Wuxuu sheegay in ismuquuninta iyo kala adkaanshahu uu dhibaato u keeni karo dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay cabashooyinkii ka dhashay doorashooyinkii tan ka horreeyay ee markii dambe natiijooyinkii ka soo baxay ay galaafteen qaar ka mid ah madaxdii maamulaysay doorashooyinkaas.

Daahir Geelle ayaa ugu digay madaxda dowlad goboleedyada in ay doorashada Aqalka Hoose u maamulaan sida tan Aqalka Sare.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna dhaliilay qaabka ay dowlad goboleedyadu u maamuleen doorashada Aqalka Sare.

“Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah horay loo xaqiijin kari waayey” ayuu Cabiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhacay doorashooyin la dhaliilay oo ay ku soo baxeen xildhibaano ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Daahir Geelle iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay doorashooyinka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this