Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Runbaa In Khilaaf U Dhexeeyo FARMAAJO Iyo Raysal Wasaare Rooble??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf u dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas’uul uu khilaaf soo kala dhexgalay.

“Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go’an in dalkaas aan gaadgsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro,” ayuu yidhi Raysal wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in hay’adaha dowladda aysan geli karin heshiisyo masiiri ah maaddaama uu dalka galay xaalad doorasho.

Wareegtada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ku soo wajahneyd wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo.

Maalmo kadibna, Raysal wasaare Rooble ayaa u safray Kenya si uu wadahadal ku aaddan xidhiidhka labada dal ula yeesho madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Safarka Rooble ayaa dhaliyay in dadka qaar ay ku eedeeyaan in uu heshiis ku aaddan arrimaha qaadka iyo muranka badda uu la geli doono Kenya.

Raysal wasaaraha ayaa si cad u beeniyay in uu wax heshiis ah la galay Kenya.

“Waxaan idiin sheegayaa halkan in aan wax saxiixo uma iman. Waxaan kale oo rabaa in shacabka Soomaaliyeed aan u sheego in dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan. Maanta iyo berri toona igama fileysaan in aan ka hadlo arrinta badda ee taalla maxkamadda Hague oo aan dhawaan ka sugeyno jawaabta,” ayuu sheegay raysal wasaaraha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this