Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Xasan AL-BASHIIR Oo Loo Gacan Gelinayo Maxkamadda ICC

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur.

Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sanno, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur.

“Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sannadkii 2003.

Al-Bashir oo muddo ka badan 30 sanno xukumayey Sudan ka hor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xidhayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur.

Waxay sannad kadib soo saartay amar xidhitaan oo kale oo la xidhiidha xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda.

Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this