Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Goorma Buuxinta Jagooyinka Wasiirnimo Iyo Afhayeenimo Ee ka Bannaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Lix bilood ayaa laga jooggaa markii Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha debada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu iska casiley xilkii Wasiirka arrimaha debada Somaliland,kaas oo isku casiley sababo siyaasadeed,isla markaana kamid noqday Musharraxiintii u tartamaysay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo kamid noqday Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland.

Isla Maalintaa uu Xilka Wasiirka arrimaha debada iska casiley Faratoon,ayaa isna waxa iska casiley xilkii Afhayeenimadda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac,kaas oo isna isku casiley sababo lamid ah kuwaa Faratoon,waxaana labadan masuul is casilaadooda ka dambaysay Madaxtooyadda Somaliland oo danno siyaasadeed ka lahayd,iyadoo labada masuul ay kamid noqdeen Musharraxiintii Golaha Wakiillada ee ka tartamaysay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo u muuqday qaar ay soo dhabar taabatay Madaxtooyaddu,waxaana xusid muddan in Maxamuud Warsame uu isagu ku hadhay tartanka,halka uu Faratoon ku soo baxay tartankii doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland.

Si kastaba haku timaadee, Labadan Siyaasi ee ka soo kale jeeday Gobollada Sool iyo Sanaag,way ka baxeen Saaxada waaxda fulinta ee Dawladda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,kuwaas oo hadda mid-na uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Wakiillada ,halka kii kalene uu suuqa iska joogo,isla markaana naawilayo in dib loo magacaabo.

Haddaba marka laga yimaado Labadan siyaasi iyo halka uu sal-dhigan doono hadhiinkooda siyaasaddeed, waxa ay arrinta isweydiinta mudani tahay Yaa buuxin doona jagooyinka ay banneeyeen?. Goormaase bedelkooda loomagacaabi doonaa.

Labadan Su’aallood waxay bogga hore kaga jiraan mowduucyada lagaga doodayo Bulshada dhexdeeda Maalmahan u dambeeyay si weyn ayay dadku ugu dhegtaagayaan magacaabista Madaxweynaha ee buuxinta Boosaska bannaan iyo hadiiba ay jirto talaabo uu mar kale isku-shaandheyn ugu samaynayo Xukuumaddiisa.

Majirto ilaa hada cid si toosa loo calaamadiyey oo u dhow in loo kala Magacaabo Wasaaradda arrimaha Debada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo isu jira inta Dhulka iyo Xiddigu isu jiraan marka la miisaamo derejada ay kaga jiraan Hay’addaha Dawladda, hase-yeeshee sida dadka caadiga ahiba dareemi karaan waxa socda hirdan hoose ay Kuraastan ugu jiraan xubno Ehel u noqon kara iyo kuwo meel ka soo tiigsaday. Tusaalle ahaan waxay dadku leeyihiin waxa xilalkan buuxinaya laba qof oo ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, islamarkaana u dhashay Ardaaya da labada xubnood ee baneeyay.

Aragti kale ayaa odhanaysa “waxa suurtoobi karta in mid kamida labadan jago ee Wasaaradda arrimaha debada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda in midkood laga dhigo shakhsi ka soo jeeda Beellaha Darafyada, ee Bariga Sanaag, Sool iyo Awdal, taasoo hadii ay timaado ama ay jirtaba, si cad u fasiraysa Istaraatiijiyad go’aan iyo ku-dhiirasho ku timi oo isku-dheeli-tiraysa Saami-qaybsiga Dawlada. Dadka Fikirkan qabaa waxay ku andacoonayaan “ma Faralbaa in Wasiiro ka soo jeeda Sool iyo Hargeysa loo magacaabo xilka Wasaaradda arrimaha debada,

Marka ay sidan isugu cayn iyo bayd go’anyihiin aragtiyaha Siyaasad dhaadhigu ku saadaalinayaan xubnaha cusub ee bedeli doona Faratoon iyo Afhayeen Warsame, jirina ilaa iyo wakhti xaadirkan cid la ogyahay oo ay si gaar ah u wadato Madaxtooyadu,waxa muuqata inaanu tafsiir cad oo lagaga jawaabi karo Su’aasha ka taagan buuxinta Jagooyinka banana, balse ay gacanta Madaxweyne Muuse Biixi ku xidhantahay u meel dayidda Manaasiibtan, haduu iskaga gufaynayo tabashooyinka uga imanaya Beellaha kale iyo haduu sida loo badinayo u daynayo reer Sool.

Su’aasha labaad ee ay wali jawaabteedu ku laallantahay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa iyaduna ah goorma ayuu hoosta ka xariiqi doonaa dheeli-tirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadiisa Madaxweyne Muuse Biixi

Jawaabta Su’ashan ayaa lagu tilmaami karaa furaha rasmiga ah ee goobta laga ogaan karo xaqiiqooyinka oo dhan ama si kale hadii aan u dhigno su’aasha hore jawaabteeda oo sax ah. sidaas darteed fal-celinta isweydiimahani ayaa ah kuwo isku sidkan oo aan midkoodna ta kale Xawaare dheerayn.

Laakiinse , hadana marka diirada la saaro sida ay wax u socdaan iyo xoggaha dhex guuxaya ardaayada siyaasada lagu faaqido, waxa la filayaa in Madaxweyne Biixi arrinta magacaabista labada xil iyo qorshaha isku-shaandheynta laabad ee uu maaganyahay go’aan kaga gaadho ugu dambeyn 18 Bishan ogos , muddadaas oo ay inaga xigto Sagaal Maalmood.

Haa’ wakhtigani waa mid ku dheer dhamaan daneeyayaasha buuxinta jaggooyinkan, haday tahay sugeyaasha iyo Bulshada kaleba, balse la eego aqoonta loo leeyahay go’aan gaadhista Madaxweynaha iyo duruufaha ku xeerran arrimaha horyaalla waxaaba dhici karta inay maalmo intaas ka badan ku qaadato magacaabista labadan xil, iyadoo taas bedelkeeda loo baahnaa inaanu wakhti badan ku lumin ka baaraan-degista arrintaasi oo hadii uu ku hafto Kalsooni badan ka luminaysa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this