Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro Dagaal Siyaasadeedka La Galay Gobolka Ay Soo Jeedaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda iyo siyaasiyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ahaa qaar si weyn uga soo horjeeday in aan reer Awdal kamid noqon xubnaha shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas oo fikirkaa la qabay Xukuumadda Madaxqweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE.


Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka tirsan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ahaa qaar si weyn uga soo horjeeday oo u diidanaa in reer Awdal ay kamid noqdaan shir guddoonka Golaha Wakiillada,isla markaana dagaal qaawan la galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil,waxaanay ahayeen kuwo la safnaan Xukuumadda,isla markaana kursigaas u diidaan reer Awdal.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiir Saajin saddexdan masuul ayaa ahaa kuwa ugu darran,isla markaana dagaal cidiyo ku dagaalan ah la galay Gobolka ay ka soo jeedaan ee Awdal oo ay u diidanayeen kursigaas u soo kordhayey ee Guddoomiye ku-xigeenka 2 aad ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhanka kalene Wasiiradda ayaa la arkayey iyagoo si weyn ugu ololleynaya ,isla markaana Xildhibaannada reer Awdal ugu baaqayaa inay codka siiyaan Musharraxiin kale oo aan ka soo jeedin Gobolka,waxay taas baddelkeeda amrayeen in aan loo coddayn Cali Xaamud Jibriil,waxa xusid muddan in la arkayey Wasiiradda qaar oo Xildhibaannada beelaha kale ka codsanayna in aan loo coddeyn Cali Xaamud jibriil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this