Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Aqalka sare ee Baarlamanka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Faroole.jpg?resize=720%2C548&ssl=1

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday xubintii u horraysay ee maanta lagu doortay doorashada Aqalka sare ee ka socota Garoowe.

Faroole ayaa 54-cod kaga guulaystay Maxamed Cismaan Colaad oo kula tartamay xilkan islamarkaana helay 11-cod oo keliya.

Ex. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isna cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay Kawsar Cabdullaahi oo la tartamaysay.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Aqalka sare ee Baarlamanka dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this