Deeq A. Posted August 10, 2021 Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Arbacada berri ah dib uga soo laabanaya fasax kooban oo ay maalmahan ku jireen. Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan fadhigooda berri ku magacaabi doona guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay shaaciyay liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland. Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay Puntland ka qabsoonto maalmaha soo socda kadib marka la magacaabo guddiga xildhibaannada ah oo qabanaya doorashadaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo guda-galaya doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites