Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta-gareen oo u hanjabay qaar ka mid ah musharaxiinta (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimaad Online) โ€“ Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay handadaad la xiriirta in qaar kamid ah Musharaxiinta ay kasoo muuqdan kuraasta maamulada laga soo dooranayo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wax laโ€™la yaabo ku tilmaamay in waaqican la joogo uu nin banaanka joogo ku hanjabo hub iyo tikniko, taasi oo uu ku dhaartay in uu gacan bir ah wax uga qaban doono.

โ€œWar yaa Ilaahay yaqaan, aniga labo ayaa fahmi waayay Ninka loo soo dhaaranaya; dadka ergada ah ee wax dooraneysa miyaa loo dhaaranaya mise maamulka loo dhaaranaya oo hal iyo labo BKM lagu dhameyn karaa Maya!, ilaa hadda waxaa fahmi laโ€™yahay cida fariinta loo soo dirayo ee loo soo dhaaranayo,โ€ ayuu yiri.

โ€œMa jirto cid aan uga tanaasulayo ama gor-gortan uga galayo amniga deegaankan. Amniga Koonfur Galbeed iyo amniga doorashadaba gacan bir ah ayaa ku qabaneyna, cid kasta oo isku deyda inay dadka qal-qal geliso ama been u sheegtaba Wallaahi waa ka qabaneyna.โ€

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan dhaceyn in loogu hanjabo qal-qal gelinta amniga, si loo qaato kuraasta maamulkiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma jirto cid uu si shaacsan ugu jawaabay Lafta-gareen ilaa hadda inta la ogyahay, hase yeeshe warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in musharaxiin damaca uga jiro kuraasta maamulkaas ay u hanjabeen.

Ma aha markii u horeysay ee musharaxiinta hunguriyeynaysa kuraasta labada Gole ee BFS ay luuqad adag ugu hanjabaan madaxda maamulada, sida dhacday kal hore musharaxiin si shaacsan u sheegtay inay cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii laga hor istaago kuraastaas.

The post Madaxweyne Lafta-gareen oo u hanjabay qaar ka mid ah musharaxiinta (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this