Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Aanu U Soo Tartanay Mashruucan Iftiiminta Garoonka  Hargeysa Stadium Runtii Waanu Dadaalnay Meel Fiicana Waanu Soo Gaadhnay Laakiin…” Magaca Shirkadda Guulaystay Oo Maanta La Shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddig qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa maanta shaaciyay shirkadda ku guulaystay mashruucii iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay dhawaan shaaciyay tartankiisa.

Guddig qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay shirkadda ku guulaystay mashruuca waxaanu yidhi “mashruucii iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium waxa ku guulaystay  shirkadda be green energy”

Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shirkadda ku guulaystay mashruuca waxa uu kula dardaarmay inay qaranka u dhisaan laydh tayo leh waxaanu yidhi “shirkaddaa ku guulaystay waxa ay guddiga qandaraasyadda kula dardaarmayaan inay qaranka u dhisaan laydh tayo leh, waa masuuliyad shirkadda fuushay, guddiga qandaraasyada qaranku waxa ay bilow iyo dhammaadba daba-gal ku samayn doonaan qandaraaskaa haddii Alle ka dhigo, shirkadaha hadhayna nasiib wanaagsan ayaan u rajaynaynaa” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen.

Dhankooda iyaguna waxa halkaasi ka hadlay shirkadda guulaystay iyo shirkadihii laga guulaystay

Ugu horrayntii masuul ku hadlayay magaca shirkadda ku guulaystay qandaraaskan ayaa yidhi “kolay masuuliyad weyn ayaa na fuushay xil weyn ayaanu qaadnay waxa lanooga fadhiyaa in aanu iftiimino garoonka Hargeysa stadium oo wakhtiyadda qaar aniga laftigaygu aan ka ahaan jiray ciyaartoy markii dalka la soo galay maanta Illahay igu simay in aan ka qayb-qaato gandaraaskaa iftiiminta garoonka”

Masuul kale oo ku hadlay mid ka mid ah shirkadihii laga guulaystay ayaa yidhi “waxa aan ka socdaa Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Color Zone waxaanu u soo tartanay mashruucan iftiiminta garoonka  Hargeysa stadium runtii waanu dadaalnay meel fiicana waanu soo gaadhnay laakiin calaf ayaanaan ku lahayn, shirkadda ku guulaystay waanu u hanaynaynaa waxaanan leenahay Illahay ha idinku asturo kolay waa masuuliyad culus oo qaranka oo dhan saamaynaysa, waxaanu rajaynaynaa in aanu tartamada dambe ku guulaysan doono”

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this