Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir ayaa u hanjabay xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa xubnaha guddiga oo guud ahaan ka kooban 11, waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Talaadadii, halkaasi oo uu kaga dhowaaqay in la baabi’iyay doorashooyinkii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay, lana qabanayo doorasho cusub.

Qaar ka mid ah afarta xubnood ee guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa Caasimada Online u sheegay in intii uu socday kulanka uu Rooble ugu hanjabay in ciddii diida inay ka qeyb qaadato doorashada cusub ee hoggaanka guddiga laga saari doono guddiga.

Isla habeenkii Talaadada, ayaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir, oo aad ugu dhow Farmaajo, wuxuu casho u sameeyey xubnaha guddiga isaga oo mar kale ku celiyey hanjabaaddaas, sida aan xogta ku helnay.

Maalinkii xigay oo aheyd Arbacadii shalay ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal waxa uu iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, laguna qabto Afisyoone.

Si kastaba, garabka Cabdi Xaashi ayaa durba soo saaray qoraal ay ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Si kastaba, Rooble ayaa mowqifkiisa ku adkeystay, waxaana xalay uu Cabdixakiin Ashakir soo saaray qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku taageerayo qabashada doorashada halka dhinac ah. 

Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada?

Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

The post Xog: Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this