Sign in to follow this  
Deeq A.

ILAA AY DADKA SOMALILAND HESHIIS KU NOQDAAN NIDAAMKA DAWLADNIMO IYO SIDA WAX LOO WADA YEELANAYO HORE UMA SOCON KARNO ,

Recommended Posts

Deeq A.   

ILAA AY DADKA SOMALILAND HESHIIS KU NOQDAAN NIDAAMKA DAWLADNIMO IYO SIDA WAX LOO WADA YEELANAYO HORE UMA SOCON KARNO , YOOLKEENANA GAADHI MAYNO …!!!

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa 60 sanadood, 30 sanadood waxa ay kaga lumeen midnimadii 1 July 1960 kii ee lagu dhisay jamhuuriyadii Somalia ( Somali Republic) .

Soddonkii ( 30 ) sanadood ee ka dambeeyey oo ka soo bilaabmay 18 May 1991 waxa uu ahaa dal madax banaan oo dadkiisu ku heshiiyeen in ay dawladnimadii iyo xoriyadii ay ka qaateen mustacmarkii 26 June 1960 kii ay soo ceshaadan oo ay noqdaan dal madax banaan heshiiskaasi shirkii uu ka soo baxay waxa uu ka dhacay magaalada Burco 1991.

Laga soo bilaabo maalintaasi ilaa maanta oo la marayo 05/Aug/2021 dalka jamhuuriyada Somaliland dib u dhis iyo dawladnimo ayaa socda, fidinta maamulka dawladeed iyo gaadhsiinta adeegyada dawlada gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa la wadaa, xukuumad waliba wax bay soo qabatay itaalkeegu in uu noqdaba geediguna waa socdaa walow aad moodo in uu gaabis jiro.

WAA MAXAY CAQABADAHA UGU WAAWEYN EE SOMALILAND GUDAHEEGA IYO GUUD AHAAN DADKA SOOMAALIYEED HAYSTAA ?

Dadka soomaaliyeed guud ahaan fahamkii dawladnimada ayaa ka qaloocday dabadeedna dawladnimadii ayaa noqotay meel loo fahmo in marba qolo iyo qabiil haysto, waxaana sababay sidii nolosheena ugu dhisnayd tolnimada iyo dhaqanka ayeynu maamulkii dawladnimo ugu saldhignay qabiil iyo tolnimo.

Shuruucda iyo xeerarka inoo qoranina waa kuwii dawladnimada aduunka ugu casrisani lahayd oo kale , laakiin dadkeena intii fursada siyaasadeed iyo hogaamineed heshay bulshadii garaadkoogii way kobcin kari wayday wado cusub oo aan taa qabiilka ahayna waa la jeexi waayey, dabadeed waxa lagu wada qasban yahay qofkii hamoodaa in uu raadkaasi hore soo raaco inaga oo og in aanu rajo weyn laga qabeyn horumarna aanu soo wadin.

Xataa maynaan yeelin hadii aynaan qabiilka ka tagayn sidee aynu si la isla ogol yahay oo qofwaliba xaqiisa ku heli karo ugu heshiina qabiilka laftiisa maadaama 60 sanadood oo soomaali dawlad ahayd dhibta jirtaa ay tahay mid kaliya oo isku mid ah isla markaana aan xalkeegii la haynin.

Haddaba dadka jamhuuriyada Somaliland iyaga oo hormood u ah gobolkan Geeska Africa oo sameeyey wax badan oo wanaagsan haddana wali waxa dhiman in aan nidaamka dawladnimo iyo qaabka wax loo qaybsanayo lagu wada qanacsanayn oo marwalba cid uun wax ka maqan yihiin oo tabasho beeleed iyo mid goboleed ay tahay mid joogto ah .

Seeska iyo salka dawladnimadu waa heshiiska bulshada ( social contract ) ga wax lagu dhisay in uu arko qof waliba iyo qabiil waliba in uu dantiisa yahay oo uu ku qanacsan yahay, waa halka ay ka bilaabmayso lexejeclada, wadaniyada iyo meel uga soo wadajeedsiga danta guud, waana halka ugu mudan in la hagaajiyo.

DASTUURKA DALKA IYO HAB DHAQANKA MAAMUL , SIYAASADEED IYO BULSHEED OO AAN ILAA HADDA SI WANAAGSAN LA ISKUGU SIGIB TIRIN.

Heshiiska bulshada jamhuuriyada Somaliland ee ugu wayni waa dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland oo ah marka laga yimaado kitaabka quraanka ah ee Alle waxa ugu weyn dalka ee lagu dhaqmayo, la isku maamulayo qofwaliba uu ka heli karo gudihiisa xuquuqda uu leeyahay.

Dastuurka waxa ka soo horjeeda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin ;

1-sida aynu u noolahay ee u soo nooleyn qarniyada badan ee aynu aduunka ku uumanayn.

2- Sida aynu isku maamuli jirnay mudadaasi dheer ee aynu umad ahaan u unkanayn.

3- Waxa aynu aaminsanahay iyo qabka uu leeyahay qofwaliba oo soomaali ahi oo ah mid isaguna toos uga soo horjeeda xayndaabka sharci iyo dastuur ee dalka u yaalla.

Haddaba ilaa aynu si dhab ah dadkeena ugu bisleyno nidaamka dawladnimo oo waliba aan aheyn dawladnimadu nooca ay maanta tahay ee beeshii 30 sanadood ka hor wasiirka heshay ilaa maanta ay wasiirkoogii uun doonayso, oo aan dadku ku xisaab tamayn dantooda , waxaana ka dawo ah ;

1- Dawladnimada iyo nidaamka maamul ee dalka ka jira in qofku garan karo isna weydiin karo maxaa faaiido ah ee kuugu jira qof ahaan iyo qoys ahaan marka qabiilka laga yimaado.

2- Ku qanacsanaanta in aad dalka adigu leedahay, maamulka ka taliyaana adiga kuu adeego min Madaxwayne ilaa qofka shaqaalaha ah ee ugu hooseeyaa oo aad ka ilaashato hadimo kasta iyo hagardaamo kasta.

3- Guud ahaan la dhiso kalsoonida maamulka dawladnimo iyo dadkiisa ka dhexeeya , oo aanay noqon dawladnimadu meel u eeg in marba qabiil u soo Xoog iyo xoolaba beelaan sidii ay dalka u qabsan lahaayeen , hadii ay dalka qabsadaana aanay uga doonin in danta beeshoodu ka horeyso kuwa kale.

Meelahani iyo qodobadani waa waxii baabiiyey dawladnimadii iyo maamulkii jamhuuriyadii Soomaaliya ee laga dagaalamay marwalba oo ay soo noqdaana waxba kuma aha waxii hore u soo dhacay in uu mar labaad iyo mar sadexaadba dhici karo.

XALKA RASMIGA AHI MUXUU NOQONAYAA EE DADKEENU KUWADA QANCAYAAN DALKEENUNA HORE UGU MARI KARAA …

Horumarka lagama qiyaaso dhaqaalaha faraha badan ee dalka yaalla, daaraha quruxda badan, boqolaalka kun ee wax bartay iwm , dabcan waa horumar laakiin wax baa ka horeeya oo ka muhiimsan oo ay tahay in dhismihiisa iyo adkeyntiisa laga shaqeeyo;

1- Waa in nidaamka dawladnimo ee dadku kuwada joogaan seeska laga adkeeyaa si aanu u iman burbur iyo dib u dhac , awooda ugu badan iyo dhaqaalaha ugu badana la galiyaa hab maamul dawladnimo oo adag oo qofwaliba aaminsan yahay in uu dantiisa yahay xaqiisana uu ku heli karo.

2- Sharci wanaagsan oo waxaa la sameeyey iyo nidaamka dawladnimo ilaaliya , halka aynu maanta kaga mashquulka nahay waxwalba oo aynu wadno in ciidamo ilaaliyaan, laakiin aduunku wuxuu marayaa in caqliga qofku ilaaliyo oo uu ixtiraamo sharciga ilaalinaya nidaamka dawladnimo ee dalka .

Hadii aynu intaasi helno oo tacab badan galino waxa dhici doonta in dalkani uu waligii hore u socon doono oo uu boqolaal sano iyo kumayaal sano haduu aduunku sii jiro uu ahaan doono mid wanaagsan oo horumar, deganaansho iyo nololi ka jirto aduunkana wax qiimo leh iyo taariikh ku soo kordhiya.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Image

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this