Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo ku dhawaaqay inuu ku guulaysatay deminta dab ka kacay deegaano ka tirsan dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka beeraha Turkiga ayaa shaaciyey in 125 ka mid ah 132 goobood oo daba kacay kaymaha dalka la xakameeyey,isagoo xusay inay weli socdaan Dadaallada lagu doonayo in lagu demiyo dabka haray ayaa socda.

Dabkan ayaa sababay khasaare deegaan iyo dhimashada siddeed qof.

Agaasimaha isgaarsiinta Turkiga Fehrettin Altun ayaa dadka ka codsaday in aysan ku dhicin warar khaldan oo ku saabsan dabka baraha bulshada.

 “Fadlan aan ku tiirsanaano bayaannada mas’uuliyiinta ee rasmiga ah,” ayuu yiri, isaga oo raaciyay in Turkigu uu xoog badan yahay isla markaana uu dhammayn doono dhammaan khasaarihii soo gaaray.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo ku dhawaaqay inuu ku guulaysatay deminta dab ka kacay deegaano ka tirsan dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this