Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa loo saadaalinaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?resize=720%2C565&ssl=1

Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulankoodii u horreeyay ku yeelanaya xarunta Baarlamanka Hargeysa.

Baarlamanka Somaliland ayaa sida qorshaysan isla maanta dooranaya Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

Murashixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, waxa ugu cad-cad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Sool.

Yaasiin Faratoon ayaa ka sharraxan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, wuxuuna tartan adag kala kulmi doonaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxan xisbiga Waddani.

PUNTLAND POST

The post Yaa loo saadaalinaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Somaliland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this