Deeq A. Posted August 2, 2021 Doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Koonfur Galbeed. Xubnahan guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona doorashada Aqalka sare ee ka dhacaysa halkaasi. Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee bilaabaya doorashada Aqalka sare waxaana ka horraysay Jubaland oo keliya. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites