Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dead Child Found in Allaybaday, Hargeisa region

Recommended Posts

Baryahanba waxa aad looga hadal hayay magaalooyinka ka tirsan Gobolka Hargaysa dad qalato, tan iyo markii laga helay laba caruur ah oo la dooxay Meesha la yidhaahdo Maqaaxida Inanta oo wax yar u jirta hargaysa, caruurtaasi oo sida la sheegay ahayd caruur xoolo eegaysay, falkaasi oo noqday mid aad looga argagaxay.

 

Intaasi kadib waxa jira warar isa soo taraya kuwaasi oo sheegayay in meelo kalena lagu arkay dadqalato, meelahaasi oo ay mid yihiin agagaarka Tuulada Waalid-Xoor oo ilaa 5kmg u jirta Magaalada Allaybaday,warkan oo aan ka helay Odayaal reer allaybadaya oo ii sheegay in ay la kulmeen Hooyo reer Waalid-Xoor ah oo inanteedu ka badbaaday fal dad qalnimo, falkan oo uu kula kacay nin dadqal ahi inan yar oo xoolo la joogtay balse laga riday laakiin uu soo gaadhsiiyay dhaawacyo, dhaawacyadaasi oo xagasho ahaa sida ay sheegtay inanta yar hooyadeed oo dawooyin magaalada allaybaday uga soo doontay, ayaa uga warantay dhacdadan odayaashaasi,wararkaasi oo caruurta iyo dumarkaba ku keenay cabsi fara badan iyo hadal hayn fara badan,Balse ninkaasi ay hooyadu dadqalka ku sheegtay ee inanteeda nabarada soo gaadhsiiyay ayaan la xaqiijin Karin in uu dadqal ahaa iyo in uu nin waalan ahaa.

 

Wararkaasi oo dadka qoorkood ku tilmaamayeen kutidhi kuteen caruurta lagaga cabsiinayo,Ayaa barqanimadii daraad oo bishu ahayd 28/08/07 xaafadaha allaybaday mid ka mid ah lagu arkay mayd, maydkaasi oo laga helay meel leh daaq fara badan iyo xigag dhaadheer leh, maydkan ayaa u muuqday in uu yaalay goobtaasi maalmo,hadaba maydkan oo ahaa maydh gacan bini aadan ku dhintay, ayaa waxa lagu soo duubay go’o waxaana lagu soo dhexriday bac labada cidhif laga xidhay,balse maydkani ayaa markii la arkay aan ku jirin bacdaasi ee kala yaalay laba meelood oo isku dhaw una muuqday in ay xayawaanku kala baxeen bacdii oo ay kala jiiteen, ayaa waxa ka maqnaa xubno jidhkiisa ka mid ah oo uu ka mid yahay madaxii oo la jajabiyay,maydkaasi oo ay dulyaaleen dharkiisii oo ahaa dhar rag, maydkaasi oo lagu qiyaasay in uu ahaa wiil dhalin yaro ah, balse ilaa hada aan lagarnaynin hayb ahaan cida uu yahay, inkasta oo ay yimaadeen magaalada allaybaday dadyow baadigoobaya dad ka maqan.

 

Hadaba mar aan waxa ka waydiiyay falkaasi iyo in ay wali cid usoo xidheen Taliyaha saldhiga booliska degmada allaybaday Mr. C/laahi Diiriye Cilmi?, waxa uu ii sheegay in baadhitaankii socdo wali,waxa kale oo uu yidhi arrintan waxa u xidhan 21 nin iyo 2 dumar ah oo dhamaantood ah OROMO.waxa kale oo uu yidhi baadhitaanku marka uu dhamaado ayaanu usoo gubin doonaa saxaafada.

 

Hadaba falkan ayaa dadwaynaha reer allaybaday ay aad uga argagaxeen iyada oo cabsi dheeraadana ku abuurtay caruurta iyo dumarka.

 

WARNING:

 

 

DON'T LOOK AT THE PICTURES IF YOU DON'T HAVE STRONG HEART .....

 

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

 

 

Picture%20990.jpg

Picture%201280.jpg

Picture%201262.jpg

Picture%201278.jpg

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the second time that a dead boy is found in only one month.

 

This time, no one can recognize the body as it is eaten and only the bones are there with the clothes.

 

It is scary as long as the murderer (horror) in invisible.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

JB, it's very sad brother! It is really painful to hear that some of our children's lives are getting shortened as the result of such horrible crimes. There should be a law in our land that restrict parents to use primary school-age children as their laborers since most of those violent murderers are nowadays targetting those children.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this