Deeq A. Posted July 12, 2021 Muuqaal: Xijaar iyo Sakiya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad 50 gabdhood oo ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad tababar ugu dirtay dalka Turkiga. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo mas’uuliyiinka ayaa galabta garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde ku sagootiyey ciidankan oo dhan 49 gabdhood oo muddo ku jiray xerada Gen. Kaahiye ee Muqdisho. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ay soo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo oo la xiriira sida ciidamada gaar ah u howlgalaan, wuxuuna intaas ku daray in lagu soo xulay aqoon, da’d iyo dulqaad. Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen ayaa gabdhaha ciidanka kula dardaarantay in ay wax u soo bartaan sidii ay dhibaatada uga saari lahaayeen dadkooda, gaar ahaan haweenka. PUNTLAND POST The post Gabdho ciidan ah oo tababar dibada loo qaaday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites