Sign in to follow this  
Deeq A.

 Askar Dawladeed oo ka yaacday Falaago Dagaal kula jirt iskana dhiibay Dal deris la ah

Recommended Posts

Deeq A.   

 Askar Dawladeed oo ka yaacday falaago Dagaal kula jirt iskana dhiibay Dal deris la ah

afghanistan.jpeg
Askar ka tirsan ciidamada Afghanistan

In ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan aya u baxsaday dalka deriska la ah ee Tajikistan, kadib iska horimaad dhexmaray iyaga iyo xooggaga Taliban, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.

Saraakiisha ilaalada xuduudda ee Tajikistan ayaa sheegay in askartaas ay dhinacooda u soo tallaabeen si ay “naftooda u badbaadiyaan.”

Todobaadyadii la soo dhaafay, xooggaga Taliban ayaa waday dagaallo culus oo ay ku qabsadeen deegaanno horleh. Arrintan ayaa loo aaneynayaa ka bixitaanka ciidamada NATO ee laabankii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Afghanistan.

Xilli inta badan ciidamada NATO ay dalkaas ka baxayaan ka hor bisha September ayaa waxaa jira walaac ah in burbur uu qarka u saaran yahay milateriga Afghanistan.

Heshiis dhexmaray Taliban iyo xulafada Maraykanka ayaa dhigaya in ciidamada ajnabiga ah laga saaro dalkaas, taa bedalkeedana uusan ururkaas u oggolaan xooggaga Al-Qaacida iyo mintidiinta kale inay saldhigyo ka sameystaan deegaannada uu gacanta ku hayo.

Taliban ayaa ku diiday inay joojiso dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda Afghanistan, waxaana uu ururkaas hadda gacanta ku hayaa saddex meelood meel dhulka dalkaas.

Hase yeeshee madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku adkeysanaya in ciidankiisa uu u babac-dhigi karo khatarta uga imaanaysa Taliban. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in askar badan ay u baxsadeen xuduudda Pakistan iyo Uzbekistan si ay uga cararaan dagaalka.

Ciidanka baxsanaya

Dhowr jeer oo hore ayay askar ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan waxa ay u carareen dhanka Tajikistan, waxaana la rumaysan yahay in tirada askartaas ay hadda ku dhawdahay 1,600.

Wakaaladda wararka ee Tajikistan, Khovar, ayaa sheegtay in askartan u dambeysay ay xuduudda ka soo tallaabeen subaxnimadii Isniinta, kadib dagaal ay habeenkii Axada la galeen Taliban.

Gobollada Badakhshan iyo Takhar ee xuduudda la leh Tajikistan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dagaal xooggan oo ay dagaalyahannada Taliban ku qabsadeen deegaanno badan. Mintidiinta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen bar koontarool oo ay ciidamada Afghanistan ku lahaayeen xuduudda Pakistan.

Dalalka deriska la ah Afghanistan, gaar ahaan kuwa ku yaal bartamaha Aasiya, ayaa isu diyaarinaya qaxooti badan oo ku soo jaba, waa haddii ay dagaalladu sii socdaan.

Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen, ayaa BBC u sheegay in ururkiisa uusan mas’uul ka ahayn colaadda sii xoogeysatay todobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu ku dooday in magaalooyin badan ay dagaalyahannadooda ku qabsadeen si nabdoon kadib markii ay ciidamada dowladda diideen inay dagaallamaan.

Xulafu uu Maraykanka hogaaminayo ayaa Taliban xukunka ka tuursan sanadkii 2001, kadib markii uu ururkaas diisay inuu soo dhiibo Osama Bin Ladin oo ururkiisa Al-Qaacida uu fuliyay weerarradii 9/11.

Taliban iyo Maraykanka ayaa wadahadallo toos ah billaabay 2018, waxaana heshiis ka bixitaanka dalkaas fuliyay madaxweynaha haatan ka arrimiya aqalka cad ee Joe Biden.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this