Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa loo saadaalinaya guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla?

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdirashiid-Daacad.jpg?resize=504%2C413

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay liiska cusub ee xubnaha golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar.

Liiska oo ka kooban 23 xubnood waxa kamid ah 4 haween waxaana la filayaa in ay saaka doortaan guddoonka golaha ahna guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla.

Guddoomiyihii hore ee Bander-beyla  Siciid Aaden Cali Anteeno ayaan isagu kamid ahayn dadka u tartamaya xilka guddoonka golaha degaanka kadib markii uu tanaasulay.

 Dadka u tartamaya xilka guddoomiyaha Bander-beyla waxa haatan ugu cad-cad Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac (Cabdirashiid Daacad) kaas oo la saadaalinayo in uu ku guulaysto guddoomiyaha degmada.

one.jpg?resize=811%2C960&ssl=1 Two.jpg?resize=960%2C781&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Yaa loo saadaalinaya guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this