Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo baaq ka soo saartay xiisadda Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Beledweyne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay in ay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan Beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo.

2-3.jpg?resize=1000%2C1294&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo baaq ka soo saartay xiisadda Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this