Sign in to follow this  
Deeq A.

Talisk Booliska oo soo bandhigay kooxo hubeysan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu sugayey amniga guud ee caasimada dalka.

Howl-galladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu shaaciyey Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cabdiftaax ayaa shaaca ka qaaday in ragga lasoo qabtay ay gaaraan illaa 14 ruux, kuwaas oo xilliga gacanta lagu soo dhigayey ku howlanaa furashada dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray inay ku hubeysnaayeen qoryaha fud-fudud, sida AK47, Bastoolado iyo Mindiyo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Howl-galka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxaha qowleysatada ah ee dadka furta isla markaana baneystay hantida Shacabka waxaa suuragashay in la qabto 14-ruux oo ku labisan dharka ciidanka iyaga oo watay hubka fud-fudud,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdiftaax Aadan oo ah ku simaha afhayeenka Booliska.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego falalka liddiga ku ah amniga ee ka dhacaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

“Bulshada Gobolka Banaadir waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu gacansiiyaan kooxaha kale ee aan ku raad-joogno” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa shacabka ku dhaqan gudaha caasimada ay ka cabanayeen dhac baahsan oo habeen iyo maalin loo geysanayo, waxaana tani ay jawaab cad u tahay qeylo dhaanta kasoo yeereysa bulshada oo qaati ka taagan burcad hubeysan.

209408086_1096454614209404_1629720252864 206147601_2551906198452075_7119982895402 206356486_783811938988460_41084954386786

 

The post Talisk Booliska oo soo bandhigay kooxo hubeysan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this