Sign in to follow this  
Deeq A.

Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta haweenka oo la dhimay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16249802142381202.jpg?resize=720%

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000).

Lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000).

Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrinaas.

PUNTLAND POST

The post Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta haweenka oo la dhimay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this