Deeq A. Posted June 29, 2021 Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000). Lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000). Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrinaas. PUNTLAND POST The post Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta haweenka oo la dhimay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites