Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilliga La Dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lagu Heshiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Shirka raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobolleedyada uga socdey Muqdisho, oo laga soo saarey go’aano muhiim ah.

Madaxda oo soo saarey jadwal cusub, ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka.

Sidoo kale, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka.

Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale tixgelin siiyey dumarka, oo waxaa laga dhimey 50% khidmadda laga qaadayo haweenka u sharraxan baarlamaanka.

Arrinta Gedo, ayaa iyana waxaa loo saarey guddi dibu heshiisiin, oo uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this