Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Shir Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Gobaleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xusen Rooble ayaa magaalada Muqdisho isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka shir lagu dar dargelinayo howlaha doorashada, kadib heshiiskii 27-kii May Muqdisho ku gaareen .

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee xaafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa loogu baaqay madaxda dowlada gobaleedyada in ay mudqisho shir wadatashi isugu yimaadan .

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu furmayo maalinta sabti ah ee soo aaddan .

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Roble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli madaxda doawlad gobaleedyada dalka iyo dowladda federaalka ay soo wada magacaaben guddiga doorashooyinka dalka .

Rooble.png

Goobjoog 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this