Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo kulamo ka wada Turkiga + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa Istanbul kulan gaara kula qaatay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Cali Guudlaawe oo loo fidiyey casuumad heerkeedu sarreeyo ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshaay jaaliyadda Soomaaliyeed, isaga oo uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha HirShabelle waxaa kulankan ku wehlinayey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo HirShabelle.

Ugu horreyn Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey casuumaadda loo fidiyey iyo sida ballaaran ee loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi inay maal-gashadaan dalkooda hooyo, si looga faa’iideysto ganacsigooda.

Dhankooda ganacsatada oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan horumarka ka jira Soomaaliya, si gaar ah HirShabelle oo haatan wajaheyso xaalad adag.

Socdaalka madaxweynaha HiirShabelle uu qaatay maalmo kooban ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo dalka si uu uga qeyb-galo shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

33-1.jpg 11-5.jpg 22-3.jpg

 

The post Cali Guudlaawe oo kulamo ka wada Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this