Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Libya oo siideysay muhaajiriin Masaari ah

Recommended Posts

Deeq A.   

90 qof oo Masaari ah oo ku xirnaa Xarunta lagu xiro Shisheeyaha Sharci-darada ku jooga dalka Libiya ayaa ugu dambeyn dadaal farabadan oo la sameeyay la sii wada daayey.

Madaxa Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida u joogta Caasimada dalkaasi ee Tripoli,  Maxamed Tharot Salim ayaa dadaal u galay sidii Muhaajiriintaasi loo sii daayo lahaa oo ilaa Jimcihii hore ku xirmaa Xarun ay Hay’adda Socdaalka Libiya ku hayaan Muhaajiriinta sharci La’aanta ku jooga dalkaasi.

Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Masar ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Libya ay ku siideysay muhaajiriinta u dhashay dalkooda ee u xirnaa.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Libya oo siideysay muhaajiriin Masaari ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this