Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo jawaab adag ka bixisay muranka ka dhashay Xeerka gudniinka gabdhaha

Recommended Posts

Deeq A.   
1.png?resize=660%2C364&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa jawaab adag ka bixisay doodda ka taagan xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, kaas oo horyaalla Baarlamanka, kadib markii xukuumaddu ansixisay 10-kii bishan June 2021.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo u jawaabay dadka diiddan xeerkan, gaar ahaanna Culimaa’udiinka ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments).

Wasiir Xaamud ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka.

Sidoo kale, wuxuu digniin u jeediyay dadka diiddan xeerkan, oo uu ku tilmaamay kuwa meel kale laga soo diray.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo jawaab adag ka bixisay muranka ka dhashay Xeerka gudniinka gabdhaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this