Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Somaliland oo heshiis ka gaaray musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1624366075364.jpg?resize=720%2C48

Xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Labada xisbi ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool.

Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u wataan Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid.

Isbahaysiga mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar ay kaga arrinsanayeen guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland uga socdeen magaalada Hargeysa.

Dhanka kale xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa musharaxa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Somaliland oo heshiis ka gaaray musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this