Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalo ku taala Somalia oo xoolihii la raafay,Xabsina loo taxaabay+sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka magaalada Garowe ayaa go’aamiyey in magaalada laga saaro ”adhiga tirada badan” oo ay sheegeen iney cunaan dhirta magaalada lagu beero bilicda iyo nadaafadda magaaladana uu dhib ku hayey.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah milkiilayaasha ariga ee magaalada Garowe waxay ka soo horjeesteen tallaabbada maamulka magaalada uu qaaday iyaga oo sheegay ariga magaalada laga saaray inuu yahay go’aan hal dhinac ah oo aan lagala tashana dadkii ariga lahaa.

Axmed Saciid Muuse, duqa magaalada Garowe ayaa sheegay in dhibaato badan uu adhiga ku hayay magaalada, waxa uuna xaqiijiyay in la geeyay dooxada magaalada dusheeda ah.

“Adhiga in magaalada laga saaro waa go’aan ay gaadheen golaha degaanka ee degmada Garowe waxaana sababay in ariga uu nadaafad darro aad u faro badan uu ku hayaa magaalada, wuxuu fadhiistaa waddooyinka oo uu ku saalooda, sidoo kale gawaadhida ayaa jiiidha. Intaa waxaa dheer waxa uu cunaa dhirta lagu beeray maagalada si bilicdeeda loo soo celiyo.” Ayuu yidhi Axmed Saciid Muuse.

pl.jpg

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in adhiga laftirkiisa uu ku dhib qabo magaalada sababtoo ah waxa uu cunaa bacaha iyo qashinka oo uu xanuun ka qaadaa.

“Waan u dignay dadkii lahaa oo waxaan siinay muddo bil ah inago farriinta u marinay warbaahinta iyo baraha bulshada ku wada xidhiidho sidaa darteed qof walba wuu ogaa in ka saaridda adhiga magaalada la bilaabayo, waana la bilaabay waxaan la uruuriyay ku dhawaad afar boqol oo neef waxaana la geeyay meel magaalada ka baxsan oo naq leh oo ay xooluhu daaqi karaan, haddi rabbi idmana halkaas ayaa lagu haynayaa ololuhuna wuu sii soconayaa ilaa magaalada laga cidhib tiro xoolaha ku dayacan,” ayuu yidhi guddomiye Axmed.

 

Adhigaan ayaa waxaa la sheegayaa in inbadan oo ka mid ah aysan jirin cid leh oo ay ahaaheen kuwa ban joog ah iyadoo ay jiraan kuwa ay dadku leeyihiin oo u soo xarooda.

Seynab waxa ay ka mid tahay dadka adhiga gudaha magaalada ku dhaqanayay, qaar ka baxsaday ayey u maleynaysaa in ahdigii la raafay looga daray, waxaana ay dhaliilsan tahay go’aanka maamulka degmada Garowe uu qaatay.

“Xoolihii xalay la raray waxbaan ku laahayn oo baadi ayay inooga maqnaayeen laakiin dadkii kama ay fakarin danta culus oo dadka ka dhaxeysa, ” ayey tidhi Seynab.

“Adhigaan dad badan baa ku hoos noolaa oo naga munaafacaad badnaa laakin waxaa weeye lagama fakarin oo aad loogama fiirsan sababtoo ah dad masaakiin baa ku noolaa, dad soo qaxay baa ku noolaa, dad haystay ilma agooma ah baa ku noolaa, dadkaa maxaa looga fakaray, shaqa fidin ma loo sameeynayaa.”

Waxay Seynab ku talinaysaa in guddomiyaha uu ka iibsado adhiga iyadoo sheegtay inay faa’iido ku qabtay adhigeeda oo marka ay geeyso suuqa ku iibsan jirtay 90-100 doolar, marna ay maalan jirtay marka uu irmaan yahay.

“Waan iibsan jiray, waan sadqeysan jiray laakin hadda afduub baa ina looga qaatay mana ahan afduubkaas mid dan inogu jirta anaga iyo dadweynaha Garowe

sawirka-todobaadka-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this