Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adaha Dowlada Puntland oo lagu amray inay joojiyaan Isticmaalka Luuqadaha Qalaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Amar kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray in la isticmaalo luuqada Soomaaliga, gaar ahaan Qoraalada ay soo saarayaan Xafiisyada Dowliga ah ayaa lagu amray in aan lagu qorin luuqad qalaad.

Wareegtada ayaa Hay’adaha lagu faray in la xoojiyo isticmaalka Af-soomaaliga, si Sare loogu qaado isticmaalka afka Hooyo.

Xafiisyada Dowlada ayaa caadeystay inay Qoraaladooda kusoo saaraan Ingiriis iyo Carabi, Waxaana laga tagay isticmaalka afka Hooyo, Qoraalada ku socda Bulshada ayay xitaa kusoo daabacaan luuqado qalaad oo aysan Shacabku fahmayn.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dambeeyay Wareegtada wuxuuna xusay in Af-ka Soomaalidu uu noqdo kan loo adeegsanayo shaqada Hay’adaha Dowliga ah.

Hoos ka alhriso Wareegtada

1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of AE41F734-5384-4288-84FB-027C89AD1EFB-335

The post Hay’adaha Dowlada Puntland oo lagu amray inay joojiyaan Isticmaalka Luuqadaha Qalaad appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this