Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga Amniga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga Amniga doorashada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM, waxayna dhammaantood ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha Guddiga Amni ayaa waxaa ay  qorsheynayaan oo ay hagayaan hannaanka amniga doorashada, iyaga oo sidoo kale dejinayaa qorshaha amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

3-23.jpg?resize=960%2C666&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this