Deeq A. Posted June 21, 2021 (SLT-Hargeysa)-Xubnaha golaha deegaanka cusub magaalada Buuhoodle ayaa maanta doortay maayir iyo maayir ku-xigeen. Khadiija Ahmed oo kasoo baxday Xisbiga Kulmiye ayaa loo doortay Maayarka Magaalada Buuhoodle ee Somaliland. Doorashada Khadiija, ee Maayirnimada ayaa ka dhacday degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle. Inkasta oo magaalada ay Maayirka ka noqonayso ee Buuhoodle aanay ka dhicin Doorashada Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka ayaa haddana deegaamo kale oo gobolka ka tirsan sida Widh-Widh ay ka dhacday Doorashada Somaliland. Source Share this post Link to post Share on other sites