Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirrada Laascaanood Iyo Burco Oo Maanta Loo Balansan Yahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Laascaanood iyo Burco ayaa la filayaa in uu saaka uu ka qabsoomo kalfadhiga koowaad ee golleyaasha deegaanka degmooyinkaasi oo ay ku dooranayaan maayirka iyo kuxigeenka.

Shalay sabti ahayd ayaa loo balansanaa doorashada maayirrada Laascaanood Iyo Burco ayaa labada dib loogu dhigay maanta axad ah.

Xildhibaan khaalid Xasan oo ahaa xildhibanka qudha ee maanta la tartami lahaa Cabdirisaq Hero oo u sharraxan jagada maayirnimo ee Burco ayaa xalay is casilay, sheegayna in uu Burco wada jirkeeda ka qayb qaadanayo.
Sida la filayo maanta ma jiri doonto cid kula tartami doonta jagada maayirnimo iyo kuxigeenkiisa, Cabdirisaq Hero iyo Mukhtar baaryare.

Wariyeyaasha ku sugan magaalooyinka Burco iyo Laascaanood oo ay Somalilandtoday xidhiidh la samaysay ayaa waxa ay ku warramayaan in jawigu uu degan yahay.

Somalilandtoday.com kala soco wararka oo isha ku hay mar kasta

  • 1-2-1024x767.jpg
  • 2-1-1024x767.jpg
  • 202402418_4174654742653910_3535149662915

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this