Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Yar Oo Kamid Ahayd Ardaydii Shalay U Fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Togdheer)-Wararka aanu ka heleyno degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in Barkad laga cabo biyaha oo ku taalla halkaas ay ku geeriyootay gabadh yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in gabadha oo lagu magacaabi jiray Samiira Axmed Xasan ay ku dhacday Barkada, xilli ay biyo ka dooneysay, kadibna ay Barkada ku dhex geeriyootay, laguna guuleysan waayay in lasoo badbaadiyo.

Sidoo kale gabadh la socotay Samiira Axmed ayaa iyana ku dhacday Barkada laga cab biyaha ee ku taalla degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana gurmad la sameeyay lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo gabadhaas.

Alle ha u naxariistee Samiira Axmed Xasan ayaa kamid aheyd  Ardaydii shalay u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay, waxaana sidaan oo kale deegaano ka tirsan Somaliland ay Carruur horey ugu geeriyoodeen Barkad laga cabo biyaha oo ay ku dhaceen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this