Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo ku guulaystay Maayirka degmada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Maayirka-cusub.jpg?resize=525%2C403&ssl=Maayirka cusub ee Laascaanood

Xubnaha Golaha Degaanka degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ka kooban 13 xubnood, ayaa Saaka Maamul cusub u doortay degmadaas.

Golaha Degaanka Laascaanood, waxay Maayirka cusub u doorteen Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Sidoo kale, waxay Maayir ku xigeenka degmada Laascaanood u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kawte), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa dhowaan samaystay is-baheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kadib doorashadii Golayaasha Degaanka iyo Wakiilada.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Waddani oo ku guulaystay Maayirka degmada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this