Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Jaamac Nuux oo ka tanaasulay u tartanka jagada Maayarnimada Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee la doortay ee golaha deegaanka ee magaalada Burco isla markaana u tartamaay qabashada xilka maayarnimo ee magaalada Burco ayaa goordhawayd ka tanaasulay.

Xildhibaanku isaga oo sheegay in uu u tudhaayo isla markaasina eegaaya midnimada iyo wada jirka magaalada waxa uu sheegay in uu ka hadhay u tartanka jagadaasi Mayaornimo? sodoo kalana uu muujiyay tanaasul.

Doorashadii golaha deegaanka ee magaalada Burco oo ay ahayd in maanta la qabto ayaa maalinta bari ah dib loogu riixay arintaasi oo badoba dadweynaha reer Burco iyo xildhibaanada la doortayba ay ka cadhoodeen waloo ay markii danbe go’aankaasi ay xukumadu dib ugu dhigtay maalinta bari ah ay taageereen.

Waxana lagu wadaa in maalinta bari ah ay golaha deegaanka ee la doortay dooran doonaan Mayor iyo ku xigeenkoisa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this