Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Beel qaaddacday magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-2021-06-19-02h53m22s970.png?resi

Mid kamid ah Beelaha Gobolka Nugaal, ayaa si adag u qaaddacday magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Beesha ayaa sheegtay in ay qaaddacday magacaabidda Maamulka cusub ee Madaxweyne Deni u magacaabay degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

War-murtiyeed ka soo baxay Beesha ,ayaa lagu sheegay in aysan la shaqayn doonin Maamulka cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay degmada Godobjiraan ,kaas oo sida ay tilmaameen aan laga tala-gelin.

Sidoo kale, waxay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu ka laabto magacaabidda Maamulkaas islamarkaana degmada u magacaabo Maamul laga tashaday.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka War-murtiyeedka

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Beel qaaddacday magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this