Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Alaabooyin Dhacay Oo Tiro Badan Gubtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, waaxdeeda Arrimaha Bulshadda iyo bilicda caasimadda Hargeysa ayaa maanta bilawday olole balaadhan oo lagu ururinaayo, isla markaana lagu gubaayo alaabooyinka waqtigoodu dhacay.

Hawlgalkan ay dawladda hoose ee Hargeysa maanta qaaday ayaa lagu gubay 105 tan oo ah alaabooyin waqtigoodu dhacay, kuwaas oo laga soo ururiyey degmooyinka caasimadda Hargeysa,waxaana ololahan ay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaana waaxda Arrimaha Bulshadda iyo Bilicda caasimadda Hargeysa ay qaaday ka warbixiyey Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshadda iyo bilicda dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo tilmaamay in ay maanta gubeen alaabooyinkii ugu badnaa ee waqtigoodu dhaco kuwii ugu badnaa ee ay gubaan.

Waxa uu sheegay Agaasime Khadar in ay gubeen 105 tan oo waxyaalo dhacay ah, kuwaas oo ay kasoo kala ururiyeen degmooyinka caasimadda Hargeysa,waxaanu tilmaamay in alaabooyinka ay gubeen ay u badnaayeen daawooyin, isla markaana ay ku jireen raashin iyo waxyaalaha Cosmatics-ka loo yaqaano.

Agaasime Khadar waxa uu sheegay in waxyaalahan lasoo ururiyey lixdii bilood ee sannadkan oo suuqyadda caasimada laga soo ururiyey iyo alaabooyin kale oo ay ganacsatada caasimadda Hargeysa qaar kamid ahi soo ururiyeen.

Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada iyo Bilicda caasimadda Hargeysa Khadar Yuusuf Cali waxa uu fariin u diray ganacsatadda caasimadda Hargeysa oo uu ugu baaqay in aanay dadkooda Alaabooyin dhacay ka iibin,isaga oo tilmaamay in maxkamad la horkeeni doono ciddii lagu qabto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this