Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaad oo ka hadlay qaabkii loo qoray dhallinyarada loo qaaday Eretria iyo tirada uu damiintay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha wax ka qoray ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eretria ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaan iyo halka loo sheegay in markii hore ciidamadaan loo qaadayo.

Nabadoonka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa qirtay inuu damiin ka ahaa 44 dhallinyaro oo kamid ah ciidamada ay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka u sheegtay in tababar ciidan loogu qaadayo dalka Turkiga.

Xaad ayaa sheegay in marki uu damiinta ka noqonayey dhallinyaradaan loo sheegay in loo soo tababari doono inay kamid noqdaan aas-aaska ciidanka Nabadsugidda Galmudug sida uu hadalka u dhigay inkastoo aysan jirin illi madax banaan oo arrintaan xaqiijiyey.

“Inta aan xusuusto illaa 44 Wiil oo dhallinyaro ah ayaan aruuriyey, waxa aan geeyey taliska Nabadsugidda xarun uu leeyahay oo lagu qoro dhallinyarada taas oo aan filayo in ay ku tiil degmada Shangaani, dhallinyaradaasi waxa ay ahaayeen qaybta ay ka heshay beesheyda hoose ee aan Nabaddoonka u ahay, balse waxa naloo sheegay oo keli ah waxa ay ahaayeen laba arrimood, kuwaas oo kala ah In lagu Asaasayo Nabadsugidda Galmudug iyo in lagu soo tababarayo Turkiga” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa meesha ka saaray in marnaba loo sheegay in ciidamadaan loo qaadayo dalka Eretria oo ay hadda ku heysato nolol xumo iyo jirdil, iyadoo la sheegay in qaar ka tirsan ciidamadaas ay u geeriyoodeen jirdil loo geystay.

Habka loo diiwaangeliyey ayuu sheegay in Sawirada Dhallinyarada iyo Sawirkiisa iyo macluumaadka kale lagu dhejiyey xaashiyaha lagu diiwaangelinayey dhallinyarada.

Qaar kamid ah dhalinyarada loo qaaday Eretria oo wareysi siiyey VOA ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen.

Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen.

“Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar waxaa noogu dambeysay bishii 9-aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsadaa,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada.

Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaaday tobabar ciidanimo.

The post Xaad oo ka hadlay qaabkii loo qoray dhallinyarada loo qaaday Eretria iyo tirada uu damiintay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this