Sign in to follow this  
Deeq A.

Guudlaawe iyo A/Madoobe oo sameystay isbaheysi wax looga beddalayo heshiiska doorashooyinka + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubno muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Maxamed Islaaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay wadaan dadaalo wax looga beddelayo heshiiskii doorashada.

Sida aan ogaanay, labadan madaxweyne goboleed ayaa wada qorshe ay xubnaha beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in doorashada baarlamaanka lagu qabto min ah magaalo, maamul goboleedkiiba. 

Labadan Madaxweyne oo dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa shirka Kismaayo horgeyn doona ajando ah in la beddalo qorshaha doorashada ee min laba magaalo, haddii aan sidaas la sameyn karinna daruuf gaar ah loo eego labadaan maamul, islaamrkaana doorashada lagu qabto Jowhar iyo Kismaayo oo kaliya. 

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. 

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa damacsan in ay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka ka imaan doono magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne, waxaase muuqata in haddii lagu qabto aysan ku yeelan doonin awood lamid ah sida magaalooyinka kale ee Jowhar iyo Kismaayo. 

Lama oga sida ay ku suurta geli doonto qorshahaan uu ka fulo dhinaca beesha caalamka iyo sidoo kale dhinaca ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu dhaawacayo heeshiiskii 17-kii September ee doorashada Soomaaliya. 

Magaalada Kismaayo ayaa todobaadkaan marti gelin doonto shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doono wakiilada beesha caalamka.  

The post Guudlaawe iyo A/Madoobe oo sameystay isbaheysi wax looga beddalayo heshiiska doorashooyinka + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this